Somalia waxay qani ku tahay kheyraadka kala duvan oo dabiici ah, iyadoo loo adeegsanayo inta badan qayradkaasi in aan laga faaideysanin colaadaha ibo xasilooni darada jirta awgeed, taasi oo kadhigtey somalia mid 50 sano kahor mesha ay taagneed meel kahoseyso taagan, taasi oo horumarkeeda ay dhaafiyeen colaadaha kajira guud ahan dalka. halkaan waxaa kuugu sheegi kheyraadka dabiiciga ee somalia ku jira kaasi oo looga bahanyahay umada somaliyed iney kafaideystan.
1-kaluunka : kaluunka ku jira bada ayaa ah il kale oo dhaqaale, taasi oo Somalia ay leedahay xeebta ugu dheer ee ku teedsan badweynta hindia ,somalia waxay leedahay kheyraad badan oo bada ah, oo ay kujiraan kaluunka iyo cuntoyinka kale ee bada.
2-xoolaha: somalia waxay leedahay xoolo aad utiro badan taasi oo ay waa umada ugu xoolo dhaqashada badan barriga afrika, waxay dhaqataa xoolo isugu jiro ari, geel, iyo lo' , taasi oo ay kaga faideysan karto dhoofintooda ama dhoofinta hilibkoda, xoolaha ayaa sameyn karo daqli aad ufaro badan.
3-beeraha: wadanku waxa uu leeyahay dhul barwaaqo ah gaar ahan koonfurta oo ku haboon dalagyada sida haruurka, galayda, iyo muuska daqliga beeraha ayaa samayn kara dhaqaale aad usareeya oo dalka kadhigi kara mid qani ah.
4-macdanta: somalia waxa la'aminsanyahay oo xaqiiq na ah inny kujiran macaadin macdan kala duwan, oo ay kamid yihiin uranium, irone, manganese, dahabka, daymanka iyo macdano kale oo nolosha faido uleh.
5-saliida ama gaska: waxa jira calmado muujinaya keyda salida iyo gaaska dabiiciga ah, gaar ahaan badda, taas oo noqon karta hanti dhaqaale oo mumiim ah hadii laso Saaro ona lahormariyo, shidaalka ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn caalamka, somalia oo hada bilowday iney kafaideysato ayaa loo saadalinaya iney gaari doonta horumar iyo xasilooni siyasadeed.
6-Feenka iyo malmalka: somaliya waxay kamid tahay dalalka ugu badan ee soo saara xabagta qiimaha leh, kuwasi oo leh taarikh qadiimi ah, isla markana loo isticmaalo cadarka iyo fooxa, boqortoyinkii soo Mara afrika ayaa usoo donan jirey geeska afrika cadarka iyo fooxa kaasi oo ay oogu magacdaren (punt) oo kadhigan udug "dhulkii uduga"
7-milixda:meelaha xeebaha iyo meelo badan ayaa waxay ku taalo il-milix, taasi oo laga so saari karo milix aad utiro badan, milixdas oo looga faideysan karo in daqli laga sameeyo ama faidoyin kale oo badan loo adegsado.
dadaalada lagu doonayo in kheyraad kas laga faideysto ayaa bilowday, taasi oo marki hore ay kahortaagnaayen colaado sokeye iyo khalkhal amni, Somalia hadii ay sida saxda ah ooga faideysato qayraadkas, waxa ay kaalmaha hore kaso gali donta caalamka.
0 Comments