LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

FEDERALISM

 


 Federaalka waa qaab-dhismeed siyaasadeed oo ujeeddadiisu tahay baahinta xukunka si wax looga qabto kala-duwaanaanshaha qowmiyadeed, qabiilka iyo gobollada ee dalka ka jira. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la aas aasay sanadkii 2012-kii ayaa ku shaqeysa nidaamka Federaalka oo awood qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Habkani wuxuu raadinayaa in maamul goboleedyada loo sameeyo madax-bannaani ballaaran, taasoo u oggolaanaysa inay maareeyaan arrimaha gudaha oo ay si hufan wax uga qabtaan baahiyaha gaarka ah.

Nidaamka federalka somaliya ayay so wajaheen caqabado tiro badan inta uu jirey, waxaa kami ah xurgufta udhaxeysa dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada khilaafyo dhanka kheyradka,awooda iyo arimaha amniga, balse ha'ahaate waxa wali laiskudayayaa dadaal lagu abuurayo hanaan maamul oo loowada dhanyahay oo wakiil ka'ah umada taariikhda leh, walina ay jirto khilaafka udhaxeeya dowlada dhexe iyo maamul-goboleedyada, taasi oo ay jirto dowlada ayaa isku dayeyso xaqiijinta xasiloonida dalka dheelitirka hab maamulka dalka.
 
somalia federal maku haboonyahay ?
 gabi ahaan waa mayya oo kuma haboona, balse wali waxaa sii socota fikradii gumeystaha oo ahayd sii kala qaybi, aragti somaliyed iyo mid islaam toona ma'ahan federalka, siadan horey kuso shegnay federal Markey timaado waxaa lagu maamula umad kala duwan jinsi ahan, diin ahaan ama dhaqan ahaan, lakiin umad mid ah markii federaal lagu maamulo waxay kadhigantahay kala dilka iyo kala fogeenta umadaas. 



F.G: somalia hadii ay rabto midnamadeeda in ay sii jirto haka takhalusto federalkan loogu tala galay in umada lagusii kala dilo.

Post a Comment

0 Comments