Winston Churchill. raisul wasarihii hore ee england iyo ninkii kadanbeeyey inay xukuumadii germalka burburto waxuuna sameyntiisa ay soo muuqatay qarnigii 20aad, oo uu kuso caanbaxay hogaamintiisa inii lagu jirey dagaalki 2aad ee dunida, halkaan waxaa dulmar ku sameen-doona tarikh-nololeedkisa iyo shaqsiyadiisi shaydaanimada ahayd.
Winston leornard Spencer Churchill waxa uu dhashay 30-kii noofambar 1874-kii waxa uu ku dhashay qasriga Blenheim ee dalkaasi england waxa uu kaso jeeda qoys aristocratic ah. abihii lord Randolph Churchill wuxuu ahaa siyaasi muxaafad ah oo caan ah, hoyadiis, Jennie Jerome, waxay eheed hogaamiye bulshadeed ee dalkasi mareekanka.
xiligiisi waxbarashada wuxuu ku dhibaatooday tacliinta dugsiga oo mudo dheer uu ku rafaadsanaa qaabki uu wax ubaran lahaa balse markii danbe waxaa uu ku biiray dugsiga militriga ee loo yaqaanay sandhurst, halkaas oo uu heer sare ka Gaaray waxbarashadiisi militriga iyo siyaasada waxa uu ka qalanjibiyey dugsigaas 1894tii, kadib xiligas waxa uu ka hoos shaqeenayey sarkaal sare oo katirsan ciidamada ingiriiska waxa uuna kabartay khibradiisa siyaasada iyo ciidanka.
mr churchill waxa uu siyaasada soo galay sanadkii 1900 isagoo xubin kanoqday barlamanka dalkaasi ingiriiska asigoo ku matalaya xisbigii concertive inkastoo uu marki danbe gadaal kaga biiray xisbiyo dhowr ah kahor inta uusan kubiirin xisbiga liberaaliga ah .
dagaalkii kowaad ee dunida churchill wuxuu ka'ahaa xubin muhiim uah dowlada dalkasi waxa uu qabtay jagooyin badan inta uu dagaalkasi socday sida wasiirka amniga iyo rasaasta dagaalka kadib mr Churchill waxa uu noqday wasiirka maaliyada ee dalkaasi ingiriiska.
dagaalkii kowaad ee aduunka kadib, churchill waxa uu sameeyey horumaro siyaasadeed mid military iyo mid shaqsi ah oo muhiim ah, xirfadihiisa siyaasadeed ayaa uu kasameeyey horumar waxa uu qabtay jegooyin kala duwan oo dowladeed intii udbaxeesay intii lagu jirey 1920meeyadii waaxa uu noqday gudoomiyihii qasnada dowlada ilaa 1924
1920-1930 waxa kor Ukac sameenayey taliska kalitalisyada ee yurub taasi oo mr Churchill ku beertay walaax siyaasadeed oo xoogbadan, gaar haan xukumadii naasiga ahayd ee germalka iyo kuwii kadhisnaa italy iyo russiu, taasi oo Churchill oo dowlada kula talin inay kajawaaban hanjabaadaha dowladahaas kaimaanaya, si ay uyaraato khataraha kaimaan kara maamuladaas.
xiligii cidlada ee winston Churchill kahor 1930-kii dowalada england waxay eheed mid si weyn uqaadataha aragtiyaha mr Churchill, lakin wixii kadanbeeyey xiligaas waxa uu lakulmay cidlo siyasadeed, ma'aysan jirin cid aragtiyihiisa dhageesan jirtey, taasi oo saameyn ku yeelatay siyaasadiihi gudaha.
kadib markii uu qarxay dagaalkii 2aad ee dunida mr Churchill waxa uu dib uhelay awoodisi siyaasadeed ee kaso horjeeday kali-talisyaashi reer yurub march 1940 waxa loo magacaabay raisul-wasaaraha dalkaasi ingiriiska isaga oo kuso aaday xiligii ugu xumadaa dalkaasi oo loogu magac daray xiligii madooba.
mr Churchill wuxuu haybad ulahaa fara-shaxanaka waxa uuna ku cabiri jirey shucuurtiisa shaqsiyadeed, sidoo kle waxa uu ahaa qoraa qoray buugaag faro badan dadka reer england waxay oogu wacan badbaadiyihii reer yurub.....
0 Comments