LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

MUSTAFA KAMAL PASHA (ATATÜRK)

 

     Turkiga markad joogto meelwaliba iyo xarun waliba waxaaad kuarki kartaa sawirkiisa si xushmadesan, waa ninka loogu jecelyahay turkiga guduhisa waa aabihii cilmaaniya kamamnuucay adinka iyo xijabka xiligii uu ka'ahaa madaxweynaha dalkasi 1923-1934.
  Mustafe kamal pasha waxaa uu ku dhashay 1881 waxa uu kudhashay Salonica viyalet, xiligii dunida ka talineysay cusmaaniyada , yarantisii wuxuu diiday barasha quranka kariimka taasi badalked waxaa uu ku biiray ciidamada asigoo gaarin da'da 15 ka sano waxa una ka qaybgalay dagalo faro badan ay dowlada cusmaaniyinta ay lagashay quwadihii yurub kaasi oo uu baal-dahab ah ka qaatay waxaana loo dalacsiiyey general sare 1911-1913 waxa uuna kamid ahaa cidankii cusmaniyinta oo ku jabay dagalkii libya ku dhaxmaray gumeystaha taliyaniga iyo cusmaniyinta, kadib dowladii cusmaniyinta aya ku jabtay dagalki 1aad ee dunida, kadib waxaa dalka lawaregay gumeystaha engiriska iyo greece, shacabki ku nolaa jamhuuriyada turkiga ayaa gadood bilaabay oo laiskaga dulqadayo ciidanka gumeystahay, mustafe kamal ayaa kamid ahaa dadki u'istaagay inuu ka xoreeyo dalalka shisheeye wadankisa kadib 2sano oo dadaal joogto ah waxa uu dib uso celiyey heybadii turkiga waxa uuna sumcad ku dhaxyeshay bulshada turkida halgankii uu ugalay xureynta dalkoda waxaa uu ku suntana nacaybaka dalka greece kaasi oo kukalifay inay labada shacab ee kukala nool labada dal ee kala ah greece ivo turki iney kala dhaafsadan labada shacab ee kukala nool labada dal, shuruud la'an wa ay aqbaleen taasi oo uso hoysay sumcad kabalaaran midii hore, kadib dadaalo badan oo isdaba jooga oo siyaasadeed waxa uu ikhtiraacay parlamanka dalka turkiga kaasi oo kamadax-banaan suldanki cusmaniyinta, wuxuuna parlamanka meelmariyey in ay boqortoyada mesha kasaren laguna badalay jamhuuriyada turkiga 1923  waxa lagu dhawaqay jamhuuriyada turkiga mustafe kamal pasha Ayana noqday madaxweynihi oogu horeeyey ee jamhuriyada waxaa una dhidibada utaagay nidaam cilmaani ah waxa uuna jirida usiibay nidamkii sunniga ahaa, cilmaaniyadu waxay saamen ku yeelatay gabi-ahan wax barashada, dhaqalaha, iyo siyaasada xiligasi waxaa markii oogu horeesay laqoray farta luuqada turkiga kasi oo kabadalan qaabki ay cusmaniyinta ay wax uqori jiren, waxa uu turkiga kumaamuli jirey gacan bir kasi oo qofki siga kahor imaado uu Aad uciqaabi jirey ,waxa uu hoos galay wadamadii galbeedka waxaa uu meel cidlo ah kaga tagay wadamadii islamka ay isla sheegten oo ku hoos nolaa cusmaniyinta, waxa uu gabi ahanba tirtirey wax walboo islamka iyo cusmaniyinta ay lahayen wuxuu juhdi badan ugaliyey inuu xukunka gacanta ugaliyo cilmaaniyinta oo turki uu noqdo dowlad marki latilmaamayo lagu tilmaamo cilmaaniyada, waqtigu markuu ahaa 1932 waxa uu gabi ahanba kamamnuucay masajidada turkida in lagu adimo luuqada carabiga korna loo qado adinka kaasi oo uu sheegay inu dadka dhib kuyahay wax walbo islaanimada cadaynayo waa uu mamnuucay gabi ahan sida barashada quranka , xijaabka ,taariikhda hijriga iney raga gursadan wax kabadan hal xaas, iwm.
isbadalkasi oo dhan waxa oo usameeyey cilmaniyadu marwaliba iney kor ahato awged, waxa uu wajib kadhigey sawiradisa in melwaliba lasurto tasi oo ilaa hada ay kajirto gudaha turkiga, wuxuu dhintey taarikhda markey eheyd 1938 sigaarku uu Aad ucabi jirey owgeed kadib waqti dheer oo turkiga faido iyo qasaaro uu uso hooyey.


Post a Comment

0 Comments